Madaxweynaha Somaliland oo si Adag uga Jawaabay Hanjabaad ka soo yeedhay Beesha Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka jawaab-celiyey mowqif diidmo ah oo beesha caalamka ee taageera geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland ka muujiyeen qaraar madaxweynuhu ku kula saaray doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo markii hore lagu waday inay qabsoomaan badhtamaha sannadka dambe.

Madaxweyne_Siilaanyo2013-509x264Go’aanka madaxweynuhu ka soo saaray kala reebista labada doorasho oo dib u dhigay in doorashada Golaha Baarlamaanku ka dambaysay ta madaxtooyada, waxa todobaadkan ansixiyey isla markaana meel-mariyey Golaha Wakiillada. Arrintaas oo dhalisay in beesha caalamku ku hanjabto inay joojinayaan taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan doorashooyinka Somaliland.

Haddaba Jawaab-celinta madaxweynuhu ka bixiyey mowqifka beesha caalamka oo caawa ka soo baxday madaxtooyada, waxa uu madaxweynuhu ku muujiyey sababaha dhaliyey go’aanka dowladdu ka qaadatay wada-qabsoomidda labada doorasho iyo sida ay muhiim ugu tahay awoodda dhaqaale iyo bulsho in la kala qaado labada doorasho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war-qabadka shabakadda Somalilandpost, isla markaana ujeeddii lagu sheegay “Jawaab-Celin Ku socota Bulshada Caalamka, Arrinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland”, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo go’aankii uu qaatay in uu dib u dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada, wuxuu ahaa go’aan uu si qoto dheer uga fikiray, sharci ah oo haysta taageerada bulshada isla markaana salka ku haya Distoorka Qaranka, duruufaha siyaasadeed iyo kuwa farsamo ee haatan ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. Arrinta dib-u-dhigista doorashooyinka Golaha Wakiillada, Madaxweynaha JSL arrimaha uu ku go’aan qaatay waxa ka mid ahaa:
    • Ka dib markii uu daliishaday Qodobka 8-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aad; Qodobka 22-aad iyo Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka,
    • Ka dib markii uu cuskaday qaraarkii ay Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL ahi ka soo saartay doorashooyinkii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee xilligaa hal mar oo keliya doorasho lagu galo, wixii ka dambeeyana saami-qaybsiga lagu salayn doono tiro-koob guud oo dalka laga qabto,
    • Ka dib markii uu gar-waaqsaday saluuga ka soo yeedhay bulshada ku nool Gobollada Awdal, Sool, Sanaag iyo Maroodijeex iyo cabashada ay muujiyeen Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee la xidhiidha saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee JSL,
    • Ka dib markii uu tix-raacay go’aankii ay wadajirka u soo saareen Axsaabta Qaranka ee ay Madaxweynaha kalsoonida buuxda ku siiyeen in uu go’aan ka gaadho arrinta Saam-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada JSL, ka dib markii ay saddexda xisbi ku adkaatay in ay talo midaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan,
    • Ka dib markii uu yaqiinsaday muhimadda ay Qaranka u leeyihiin dedaalada loogu jiro nabadaynta iyo dib-u-heshiishiinta Qaran ee haatan ka socda Gobollada Sool iyo Sanaag,
    • Ka dib markii uu gar-waaqsaday baahida weyn ee loo qabo in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan,
    • Ka dib markii uu arkay in ay lagama maarmaan tahay in la helo waqti ku filan si arrimaha kor ku xusan loo dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeeladba ku dhisan,
  2. Muran kama taagna in Golaha Wakiilladu uu muddo dhaaf yahay,
  3. Sidoo kale, waa arrin gar ah in ay muwaadiniintu helaan xuquuqdooda distooriga ah si ay ugu codayn karaan ciddii ay u doortaan inay iyaga u matalaan Golaha Wakiillada JSL,
  4. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah in Bulshada Caalamku ay si weyn u maal-galiyeen dhammaanba doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo aanu ka mahad-celinayno abaalna ugu hayno Beesha Caalamka,
  5. Hase ahaatee nuxurka iyo mucda arrintu maaha taa!! Arrintu waxay tahay: Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan Bulshada Caalamku taas oo ku qabsoonta xilligii ay u qoondeeyeen? Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena?
  6. Mugdi kuma jiro dariiqa iyo sida aynu doonayno: Waxanu doonaynaa inaan qabano doorasho sax ah oo ku qabsoonta waqti iyo xaalad ku habboon!! Laakiin ma doonayno in aynu qabano doorasho sax ah oo la qabto xilli iyo xaalad aan ku haboonayn!!
  7. Dabcan waqtiga doorashadu waa muhiim, laakiin marka loo eego qaabka iyo hannaanka ay doorshooyinku Somaliland uga qabsoomaan, waqtigu maaha ka ugu muhiimsan ee leh muhimadda koowaad.
  8.  Arrimaha Qaranka Somaliland mudnaanta koowaad u lihi waa nabadda iyo xasiloonida, midnimada iyo wada-jirka ummadda, kuwaas ayaa saldhig u ah inay qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL iska wada dhex arkaan.
  9. Madaxweynaha Axmed Maxamed Silanyo waa Madaxweyne si xor ah ay u doorteen aqlabiyadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aan kasta oo Madaxweynuhu gaadho iyo tallaabo wal oo uu qaado (ha adkaadeen ama ha fududaadeene) waxa saldhiga u ihi waa danaha Qaranka iyo maslaxadaha ummadda. Sidaa darteed, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya sida ugu habboon ay danaha ummaddu ku aslaxayaan wuxuu go’aamiyey:
    • In aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu geli karin nidaamka Saami-qaybsiga Kuraasta Gobollada ee haatan jira,
    • In Doorashada Madaxweynennimada la qabto waqtigii loogu talo galay, 28 March 2017,
    • In dib loo dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyadoo la raacayo nidaamka iyo xeerarka u dhigan. Taasoo macnaheedu tahay in ugu horraan Madaxweynuhu qoraal Codsi ah u gudbiyo mudanayaasha Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan. Ansixinta kaddib, Madaxweynuhu qoraal u diri doona Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL, kaddibna waxa loo gudbin doonaa mudanayaasha Golaha Guurtida si ay uga soo talo bixiyaan,
  1. Bulshada Caalamku ha naga taageeraan ama yaanay naga taageerine, waxa naga go’an in Doorashada Madaxweynennimada iyo ta Golaha Wakiilladuba ay ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyo, inkasta oo aanu weli naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan labada doorashaba.
  2. Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi,  is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu anagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Sida ay awalba yeeli jireen, waxaanu ku rajo weynahay in Bulshada Caalamaku ay arrimahayaga nagu tix-gelin doonaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.