Madaxweynaha Somaliland oo Sharraxay Ujeeddada Safar uu ku joogo dalka Djibouti

“…In xidhiidhka lagu xoojiyo nabad, iskaashi, wax-wada-qabsi iyo horumarin”. Madaxweyne Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Jabuuti oo uu ku joogo socdaal shaqo, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada safarka uu dalkaas ku joogo, waxaanu ku sababeeyey mid salka ku haya iskaashiga dhinacyada nabadgelyada iyo dhaqaalaha ee labada waddan.

Md Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Jabuuti xilli uu ku gudo-jiray kormeer isaga iyo weftigiisu ku mareen Xarunta Free-zone-ka ee magaalada Jabuuti iyo goobo kale, waxa uu sheegay yidhi, “Safarkukeygu waxa uu salka ku hayaa waxaanu nahay laba dal oo walaalo ah oo jaar ah oo nabadgelyadu u horeyso iyo in dhaqaalaha la wada kobciyo. In xidhiidhka lagu xoojiyo nabad, iskaashi, wax-wada-qabsi iyo horumarin.”

Muuqaalkan Hoose kaga bogo su’aal Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laga weydiiyey Ujeeddada Socdaalka uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti