Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga dalka iyo Shucuubta Muslimiinta Adduunka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Ramadan

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Muslimiinta gaar ahaan Umadda Somaliland ku hambalyeeyey curashada bisha Barakaysan ee Ramadan.

Madaxweynuhu waxa uu u duceeyey bukaan jiifka bisha Ramadan ugu soo gashay Cusbitaallada, isaga oo Eebbe uga baryey inuu Xannuunka ka dul-qaado.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo xambaarsan dhambaalka madaxweynaha, waxaanu u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Debediisaba, Busha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, uguna Bushaararaynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa, ILLAAHAY-na waxa uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda.

Waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mid ah u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka ku nool.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale uu Bisha Barakaysan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn awoodina aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaafo.”