Madaxweynaha Somaliland Oo Salaada Ciida La  Tukaday Shacbiga (SAWIRRO)

Hargeysa  (SLL.Post)  Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la Ciiday Kumanaan ka mid ah Shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Hambalyana u diray Shucuubta Islaamka iyo Bulshada Reer Somaliland meel ay joogaanba. Waxana ka mid ahaa weedhihii Madaxweynaha “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.

14233040_1050729675040885_2156729058243860987_n

Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.

14263997_1050729608374225_4881614117692702661_n

Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.

14264121_1050730011707518_9040313398400851937_n

Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.

14292416_1050730125040840_8373195954044246194_n

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Caasimada ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.

14233040_1050729675040885_2156729058243860987_n

14322611_1050729841707535_6354092785349936273_n

 

14317579_1050729738374212_873193724667350224_n

14322719_1050729911707528_4916333886853576349_n

14330023_1050730045040848_7003168443485293259_n

14089141_1050730415040811_8544526646044714657_n

Somalilandpost.net