Madaxweynaha Somaliland oo Safarkiisii ugu horreeyey ugu Baxay Dalka Jabuuti iyo Tirada Wefti miisaan leh oo ku wehelinaya 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada.

IMG_6819Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta labada dal ee walaalaha isla markaana jaarnimadu ka dhaxayso, iyadoo ay labada madaxweyne ka wada hadli-doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey:

  1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire
  2. Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)
  3. Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye
  4. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan
  5. Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto  Cabdi Xirsi Ducaale

Sidoo kale waxa safarka madaxweynaha ka mid ahaa:

  1. Weriye Ridwaan Caydiid Ismaacil (Akiid)
  2. Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Eagle)

IMG_6819 IMG_6818 IMG_6816 IMG_6815 IMG_6814 IMG_6813 IMG_6809 IMG_6774 IMG_6752 IMG_6750 IMG_6735 IMG_6722 IMG_6715 IMG_6708 IMG_6696 4 3 2 1