Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Taliyaha iyo Ku-xigeenka Ciidanka Booliska

Somaliland President

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu galabta soo saaray ku magacaabay taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska iyo Taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu taliyaha Booliska Somaliland u magacaabay Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud halka uu taliye ku-xigeenka 1aad u magacaabay Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax.

Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Taliye ku-xigeenkii 1aad ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Mire oo xannuun ku soo booday kaddib muddo laba todobaad ah oo uu xilkaas hayey.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qornayd sida:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:             Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:           In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:             La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1. Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland
2. Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed  Mire

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland