Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Dhallinyaro Hal-abuur Cusub Ikhtiraacay 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  14 (Afar iyo toban) dhalinyaro reer Somaliland ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaas oo maskaxdooda ka curiyey hal-abuurro kala duwan oo dhinaca ganacsiga  iyo wax soo saarka ah.

 IMG_5633

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada hindistay hal-abuurrada kala duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo nolosha isugu jira oo ka qabsoomay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maalgashiga iyo Dhallinyarada & ciyaaraha,  Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) iyo Yuusuf Mire Maxamed, Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud  Caydiid (Soltelco) iyo la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha bulshada, mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxaana uu madaxweynuhu dhammaanba dhalinyaradaas kaga dhegaystay xogo dheeraad ah oo ay ka bixiyeen hal-abuurkooda, caqabadaha ka hor yimi iyo guulaha ay ku tallaabsadeen.

 IMG_5630

Da’yarta hal-abuurka curiyey, ayaa isugu jirey qaar hal-abuuray waxyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin, samaynta kabo iyo dhar  casri ah, kiriimmo cusub iyo saliido jidhka iyo timaha ah, saabuuno jidhka ah, farshaxanno, beeridda calafka xoolaha oo hab casri ah, agab cusub ee maayadda dabka ku shaqeeya, cuntooyin nafaqaysan iyo waxyaabo kale, iyadoo uu madaxweynuhu ku bogaadiyey dedaalka dheeraadka ah ee ay sameeyeen, samirka iyo sida ay maskaxdooda u  tuujiyeen, waxaanu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan si dhaw ula shaqayn doono, isla markaana la garab taagan yahay wax kasta oo meesha lagaga saari karo caqabadaha haysta arrimaha ganacsi ee ay curiyeen.

 IMG_5658

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhalinyarada hal-abuurka cusub soo kordhiyay hadal mahadnaq iyo bogaadin ah u jeediyey, ayaa da’yarta ka codsaday inay samaystaan dallad isku xidhan oo dhinaca hal-abuurka ah, si ay isugu xidhnaadaan, isla markaana maskaxaha afkaarta cusub soo kordhiyey la mideeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhalinyarada hortooda ka shaaciyey inay qarankooda xaq ugu leeyihiin inuu taageero ka geysto sidii fikirkaas looga midho dhalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Idinka oo da’yar inaad fikir cusub oo hal abuur ah keenteen waan idiinka mahadnaqayaa, waan idiin ducaynayaa, waanan idinla shaqaynayaa, in la gacan-qabto qofka dhalinyarada ahi kaligii waxa uu qabtaa dawlad ahaan ma aha baryo iyo duco’e qaranka xaq baad ku leedihiin waana waajib aad leehihiin in mar haddii uu qofku hal-abuur keenay inuu hal-abuurkaas la taageero, wax caam ah oo la idiin qaban karo iyo wax gaar ahba.”

Madaxweynuhu isaga oo niyadda u dhisaya dhalinyada hal-abuurka samaysay, isla markaana dhiirrigelinaya waxa uu ka codsaday in aanay niyad-jabin oo ay dedaalkooda libin-laabaan, si gaar ahna ugu tashadaan taageeradiisa, “Mar alla iyo markii aad ii baahataan waad I heli karaysaan, fikir ahaan iyo talo ahaanba, tixgelin gaar ahna waan siinayaa qofka fikirka wada, waayo qofka kale ee la da’da ah qiime ayuu dheer yahay, waana inaydaan niyad-jabin oo aydan daalin oo aad halkaas kasii waddaan waad gaadhaysaane, annagana waad nagu tashanaysaan wax ay taagi reebto mooyaane, albaabkayguna mar walba wuu idiin furan yahay.” Ayuu yidhi madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi.

https://youtu.be/sEOmfX7Pavw

https://youtu.be/egnhBduFhjY

https://youtu.be/8MX7VVCbKR4