Madaxweynaha Somaliland oo lagu Qaabiley Aqalka Golaha Senate-ka Maraykanka ee Capitol Hill (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka Shaqo ku jooga dalka Maraykanka, ayaa xarunta Golaha Senate-ka ee Capitol Hill kula kulmay Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika u qaabilsan Golahaas.

Sen. Jeff Flake oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka, ayaa weftiga madaxweynaha ku soo dhaweeyey Xafiiskiisa Xarunta Baarlamanka isaga oo ay weheliyaan mudaneyaal ka tirsan Guddidooda, isaga oo xildhibaanku uga mahadnaqay weftiga madaxweyne Siilaanyo booqashadooda.

Kulanka labada dhinac ka dib, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu mudane Jeff Flake u gudbiyey Qoraal faahfaahsan oo tilmaamaya Somaliland gaadhay iyo waxyaabaha u baahan in wax lagala qabto.

Mudanahani waxa uu Somaliland ku aamany horumarka ballaadhan ee ay samaysay ee dhinacyada nabadgelyada, Dimuquraadiyada, iyo degenaansha Geeska isaga oo kula dardaarmay in ay Somaliland dedaalkeedaa halkaasi ka sii wadaan.

Mudanahani waxa uu dhanka kale, ballan-qaaday inuu karaankiisa ku taageeri doono qadiyadda Somaliland isla markaana beesha caalamkana  ku dhirraan-dhirin doono in Somaliland wax lagala qabto dedaalka ay ku jirto dimuquraadiya iyo horumarka.

IMG_1127 IMG_1118 IMG_1119 IMG_1120 IMG_1122771 IMG_1123 IMG_1126