Madaxweynaha Somaliland oo kulan La yeeshay Wefti uu hoggaaminayo Danjiraha Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya

Hargeyaa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland & Somalia iyo weftigii uu hogaaminayey.
Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)waxaana lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka turkiga iyo sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland, iyo sidii Dalka Turkigu uga furan lahaayeen Somaliland xafiis heer safaaradeed ah.
siilaanyoWasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ay kulan is afgarad ku dhammaaday la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ballanqaadeen inay iskaashi kala samaynayaan Somaliland horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada , caafimaadka iyo dimuqraadiyadda.
Md Maxamed Biixi waxa uu sheegay in kulanka maanta la iskula qaatay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya.
Safiirka dalka turkiga oo isna dhinaciisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo dambe oo lagu sii xoonjinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan, si habboona ay somaliland ugala shaqayn doonaan dhinacyada arimaha bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha.
Safiirka iyo wafdiga dalka Turkigu waxa kale oo ay maanta xafiisyadooda kulamo kula yeesheen wasiirka Arrimaha Debedda Md. Mxamed Biixi Yoonis iyo Qasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan.