Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La yeeshay Gudida Horumarinta dhaqaalaha Turkiga

Ankara(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ee socdaalka ku jooga dalka Turkiga, ayaa xalay kullamo la yeeshay Gudida horumarinta dhaqaalaha ee Turkiga oo ay ka wada hadleen sidii dawladda Turkiga iyo shirkadahoodu kaalin weyn uga qaadan lahaayeen maal-gelin ay ku sameeyaan Somaliland.

Kulankaasi oo muddo socday ka dib waxa saxaafadda uga waramay qodobadii laga wada hadlay Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xubin ka ah weftiga madaxweynaha ee socdaalka ku jooga maalintii sadexaad dalka turkiga.
Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay in dawladaha Somaliland iyo Turkigu si wada jir ah u faaqideen sidii ay wax ugala qaban lahaayeen Somaliland dhinacyada horumarinta jidadka,biyaha, laydhka iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha.

wafti5

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu ka hadlay in ay bisha November ee fooda innagu soo haysa ay dalka Turkiga ka bilaabmi doonaan wada hadaladii u socday dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee dawladda Turkigu ay marti-gelin jirtay.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibadda,Ganacsiga, Macdanta iyo Biyaha, marwadda koowaad ee dalka iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Somalilandpost.net

Ankara