Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Madaxda Shirkad Shidaal-baadhis ka samaynaysa dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Shirkadda DNO oo ka mid ah Shirkadaha Shidaal-baadhista ee Somaliland heshiiska kula-gashay hawl-gallada Shidaal-baadhista.

Kulanka dhex-maray Madaxda Shirkadda DNO iyo Madaxwaynaha ka dib, waxa si laba geesood ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Madaxtooyada Wasiirrada Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Macdanta & Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo masuuliyiinta Shirkadda.

IMG_0329Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa madaxda shirkada DNO oo la siiyey (Block 18) oo aan filayno inaanu si fiican ula shaqayn doono, wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamartu uu hore aad ula shaqeeyay. Waxaanu aaminsanahay oo ay iyaguna aaminsan yihiin waddankan in dhaqaalaha, horumarka iyo batroolkeenu inuu yahay ka meel sare ina gaadhsiinaya oo ay tahay inaynu kuwada dadaalno inaynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu gacan siino shariikadaha inoo imanaya iyo dadka ajanabiga ah ee innagu soo qulqulaya ee jecel inay wax inala qabsadaan.”

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey wakhtigii ay xukuumad ahaan heshiiska la galeen shirkaddan, waxaanu yidhi, “Shirkadani maaha shirkad  innagu cusub ee waa shirkad aynu la saxeexanay heshiis bishii 4aad ee sanadkii ina dhaafay (April 2013), waxaanu  heshiiskaasi kuwada saxeexanay Washington DC. Shirkadan DNO aasaaskeedu waa Norweyjiyaan, balse waxay ka shaqeysaa Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, waxaanay wadataa Iskaashato kala shaqaynaysa BLOCK 18 oo saamiga leh boqolkiiba 40, markaa hadda shirkadii way soo diyaar garowday oo way soo degtay, waxaanay doonaysaa inay shaqadii bilowdo, oo laba bilood hortood ayey xafiis ka furatay hargeysa, maareeyihii dalka u matalayey oo isaguna ah Maxamed Jaamac Diiriye wuu inala joogaa. Waxaanay haatan dalka u yimaadeen inay Madaxweynaha soo salaamaan oo ay u sheegaan inay shaqadii diyaar u yihiin inay hore ka bilaabaan.”

IMG_0353“Madaxdoodii DNO iyo shuraakadoodiiba wada jirbay Cumaan uga yimaadeen waxaana runtii mudnaan leh oo ah in xuso inaynu markii ugu horeysay aragno shariikad Cumaani ah oo dalkeena maalgashi ku samaynaysa, way innaga maqnaayeen reer Cumaan oo aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay inay dalkeena maalgaliyaan waana dal cilaaqaad weyni hore uga dhaxayn jiray labada dal, haatana dib u soo noqonayo,   sida aynu dib ugula soo noqonayba cilaaqaadkii aynu la lahayn reer Galbeedka (qarbiga).”

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddan DNO heshiis kula gashay inay hawlo shidaal-baadhis ah ka samayso bogcadda 18 oo ku taala gobolka Sool ee Bariga Somaliland, waxaanu heshiisku labada dhinac sannadkii hore ka dhacay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku tageen bishii Afraad ee sannadkii hore.

SOMALILANDPOST.NET