Madaxweynaha Somaliland oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Nuxurka Kulamadooda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ka soo laabtay waddanka Shiinaha, ayaa magaalada Addis Ababa shalay kulammo kula yeeshay Dhiggiisa dawladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaas. Isla markaana, waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo dhawr ah.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, War-Saxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Dawladda Fedraalka Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, iyo Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa maanta kulammo gooni-gooniya xafiisyadooda, Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Ugu horreyn Madaxweynaha dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, oo xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa Labada Madaxweyne waxay kulankaa kaga wadahadleen xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, ee arrimaha siyaasadda, nabadgalyada gobolka iyo guud ahaanba sii adkaynta iskaashiga & wax wada qabsiga labada dal.

Kulankaa labada Madaxweyne ka dib, Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa isaguna Xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigiisa.

Ra”iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka siyaasadeed, nabadgelyo iyo Dhaqaale ee labada wadan. 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Ra”iisal wasaaraha uga waramay xidhiidhkan Cusub ee iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee u bilawday Somaliland iyo Wadanka Shiinaha iyo Dalka Ethiopia. Waxaanu ku dheeraaday Madaxweynuhu Muhiimada nololeed, dhaqaale, ee  uu xidhiidhkani u yeelan doono Somaliland.

Ra”iisal wasaare Meles Zenawi ayaa isaguna dhiniciisa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana xidhiidhkan maalgashiga ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh guud ahaanba mandaqada. 

Waxa Madaxweynaha kulamadan ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane, Cali Axmed Cali, iyo Safiirka, Somaliland ee Addis Ababa Amb. Aden Nuux Duule iyo Safiir Ku-xigeenka Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com