Madaxweynaha Somaliland oo ka Warbixiyey Shir uu kaga Qayb-galay Jabuuti iyo Heshiis Dhexmaray Dhiggiisa Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta ku soo guryo-noqday dalka ka dib markii wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ay dalka Jabuuti kaga qeyb galeen munaasibad lagu xusayay sanad guurada 40-aad ee ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga.

madaxweynaha Madaxweyne Siilaanyo oo galabta ka soo degay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlaanka ee Wakiiladda iyo Guurtidda.

madaxweynaha (1)Madaxweynaha oo qolka nasashadda ee madaarka ugu waramayay warfidiyeenka, ayaa ka warbixiyay shirkii ay ka qeyb galeen, waxaanu yidhi “Waxaanu ka soo qab-galay shir lagu xusayay 40- guuraddii ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga oo lagu qabtay dalka Jabuuti. Xafladaasi waxay ahayd xaflad si weyn ay u yimaadeen cid allaale iyo cidii danaynaysay Af-soomaaliga. Dawladda Jabuuti ayaa marti qaadka lahayd.”

madaxweynaha (2)“Waxa halkaasi joogay Madaxweynaha dalkaa Soomaaliya iyo masuul kale oo ka socday wadankaas, waxa joogay masuuliyiin ka socday kililka shanaad Itoobiya. Waxa joogtay Haay’adda PEN ee danaysa afsoomaaliga. Waxa joogay wax allaale wixii daneeya afsoomaaliga taariikhdiisa, qoraalkiisa, hidahiisa iyo dhaqankiisa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

madaxweynaha (3)Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in xafladaasi ahayd mid si weyn loo agaasimay, “Xaflad aad u weyn ayay ahayd si qaaliya loo soo agaasimay, la iskugu yimid. Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq balaadhan uga soo jeediyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladiisa oo mar walba aad u daneynayay shirkan qabashadiisa uun ma ahee, mar walba si laxaadle u daneeya bahda u shaqeysa afsoomaaliga, dhaqankiisa iyo Hidahiisa had iyo jeer gacan weyn siiya. Waxaan jecelahay inaan mahad naq u soo jeediyo cidii ka soo qeyb gashay oo dhan. Xafladaasi si weyna waa naloogu soo dhaweeyay xaflad milgo iyo maamuus leh baa halkaasi ka dhacday,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata,  “Waxaanu halkaasi kula kulanay Madaxdii ka socotay wadanka Soomaaliya, waxa kale oo aanu kula kulanay dawlada Jabuuti oo aanu wax wanaagsan uun ka wada hadalay. Xaflad baanu u soconay oo ma jirin wax xaajood iyo wada hadal sidaasi ma aanu gelin. Laakiin salaan wanaagsan iyo inaanu nabad-gelyo ku wada noolaano iyo inaanu mustaqbalka marka ay timaado si maamuus leh u wada hadalo ayaanu ku heshiinay.”

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net