Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Qalin-jabinta Dufcaddii 15aad ee ka baxda Jaamacadda Hargeysa (DAAWO BILICDA SAWIRRADA)

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda Jaamacada Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay Jaamacadda Hargeysa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mida Ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeeray qaybo ka mida jaamacada, isagoo dhagax-dhigay dhismaha shaybaadh casriya (laboratory)  oo ay yeelan doonto Jaamacadu kaasoo madaxweynuhu u ballan qaaday jaamacada mar uu kormeer ku tegay 22 May, 2018, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray hool weyn oo jaamacadu yeelanayso kana caawin doona shirarka iyo kulamada muhiimka ah.

IMG_2787Waxaanu Madaxweynuhu ku soo laabtay hoolkii ay ka dhacaysay xafladda qalin jebinta Ardaydu, waxaana halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda oo iyagu hormuud ka ahaa farxadda qalin-jebinta ardayda oo ay wehelinayeen waalidiintii ku soo tabcay mudadii ay soo wadeen hayaanka waxbarashada oo ay maanta ka gaadheen guul balaadhan.

Waxaana si toosa loo gudo galay munaasibada qalin-jebinta, waxaana ugu horayn hadlay gudoomiyaha jaamacada Hargeysa, oo hambalyo ka dib ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacadu soo martay wakhtiyadii kala duwanaa iyo halka ay ku sugan tahay wakhtigan iyo weliba waxa ay hiigsanayso sanadaha soo socda, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay masuuliyin ka socday saddexda xisbi qaran, marti sharaf dhawra oo lagu casuumay munaasibada oo badan  koodu ka socday Jaamacadaha ay xidhiidhka tooska ah leeyihiin Jaamacada Hargeysa, wax isna sidoo kale halkaa khudbad ka jeediyey gudoomiyaha Maxkamada sare, iyo wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska oo madaxweynaha hadalka ku soo dhaweeyey.

Waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu horayn hambalyo u diray Ardayda qalin-jebisay maanta, waalidiintii ku soo tabcay iyo macalimiintii wakhtiga geliyey inay waxbaraan midhaha qarankan Somaliland u soo baxay, waxaanu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii ugu saraysay dufcadaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa iyo xubin sharaf ay Jaamacada Hargeysa ku qiimaysay dedaal waddannimo oo uu muujiyey askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ay maamulka iyo ardayda Jaamacadu u aqoonsadeen muwaadin daacad u ah qarankiisa iyo shaqada uu hayo, markii uu madaxweynuhu shahaado sharaftaa gudoonsiiyey muwaadinka waxa uu goobta ka sheegay madaxweynuhu in uu isna dalacsiiyey hal derejo askarigaasi oo markii hore ahaa saddex xadhigle, madaama oo ay intaas oo qof u markhaati fureen inuu yahay muwaadin muujiyey dedaal iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay waddanimo.

8B7A9074

8B7A9095

8B7A9160

8B7A9227

8B7A9246

8B7A9249

8B7A9254

8B7A9259

8B7A9271

8B7A9316

8B7A9328

8B7A9363

8B7A9364

IMG_2192

IMG_2197

IMG_2209

IMG_2213

IMG_2216

IMG_2220

IMG_2223

IMG_2226

IMG_2227

IMG_2233

IMG_2244

IMG_2252

IMG_2259

IMG_2264

IMG_2269

IMG_2288

IMG_2291

IMG_2300

IMG_2307

IMG_2313

IMG_2319

IMG_2328

IMG_2333

IMG_2346

IMG_2355

IMG_2362

IMG_2364

IMG_2377

IMG_2391

IMG_2394

IMG_2411

IMG_2417

IMG_2424

IMG_2431

IMG_2440

IMG_2445

IMG_2448

IMG_2454

IMG_2457

IMG_2462

IMG_2475

IMG_2478

IMG_2490

IMG_2492

IMG_2496

IMG_2498

IMG_2501

IMG_2507

IMG_2510

IMG_2513

IMG_2516

IMG_2547

IMG_2568

IMG_2585

IMG_2596

IMG_2604

IMG_2608

IMG_2615

IMG_2621

IMG_2648

IMG_2650

IMG_2656

IMG_2665

IMG_2674

IMG_2689

IMG_2696

IMG_2698

IMG_2708

IMG_2717

IMG_2734

IMG_2739

IMG_2747

IMG_2749

IMG_2756

IMG_2764

IMG_2766

IMG_2768

IMG_2770

IMG_2772

IMG_2787

IMG_2789

IMG_2799

IMG_2809

IMG_2814

IMG_2821

IMG_2825

IMG_2827

IMG_2829

IMG_2857

IMG_2882

IMG_2890

IMG_2899

IMG_2915

IMG_2917

IMG_2926

IMG_2933

IMG_2938

IMG_2947

IMG_2948

IMG_2957

IMG_2972

IMG_2977

IMG_2988