Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Safarkiisa Guinea, si adagna ugu jawaabay Xukuumadda Farmaajo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ku soo laabtay dalka, kaddib socdaal shan maalmood qaatay oo uu ugu maqnaa Dalka Guinea iyo Itoobiya ayaa ka waramay safarka uu ku tegay dalalkaasi.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dawladda Guinea yaqiinsatay qadiyada Somaliland, una balanqaaday inay geyn doonto Goleyaasha Afrika.

 

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey Safarkiisa iyo aragtida Xukuumaddiisa ee ku wajahan talaabooyinka ay dawladda Soomaaliya kaga fal-celisay xidhiidhka Somaliland iyo Guinea.