Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo maanta Geeriyooday

Khubadda Madaxweyne Siilaanyo Xuska 18 May: “Waxaanu Bulshada Caalamka ugu baaqayna in ay si qoto-dheer uga fiirsadaan dhismaha ciidanka cusub ee Soomaaliya iyo hubka lagu soo daldalayo”Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, culimada dalka, bahda Fanka oo uu hore uga tirsanaan jiray Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Sheekh Cabdilaahi Sooraan oo sannadihii u dambeeyey ka mid ahaa culimada dalka, waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ku tilmaamay haldoor qiime weyn iyo sumcad ku lahaa bulshada Soomaalida dhexdeeda isla markaana qayb laxaad leh ka soo qaatay horumarintii Fanka Soomaalida.

Abwaan SooraanSidaasna wxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo xambaarsan dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiiyaddii Marxuumka, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan Culimada Dalka, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo maanta 22/07/2015 ku geeriyooday Hargeysa.

Madaxweynaha oo marxuumka shaqsiyadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuumku ka mid ahaa culimo-awdiinka dalka in muddo ahna ka addimi jiray Masjid Nakhiil oo ka mid ah masaajida caasimadda, isaga oo horena uga mid ahaa bahda Fanka iyo suugaanta ee dhanka wanaagsan shacbiga ugu cabira kolba wixii talo iyo tusaale ah ee u baahan tilmaan, si ay uga feejignaadaan una ilaashadaan wada jirkooda iyo wada noolaanshahooda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka muxtarimka ah ee sida weyn looga qadariyo guud ahaan dhulka Soomaaliu degto.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, culimadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan, ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad-darro u jiifay mid ka mid ah cusbitaallada Gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net