Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Doorkii NELSON MANDELA ku lahaa Dimuqraadiyadda Qaaradda Afrika, Qoyskiisa iyo Shacabka Koonfur Afrikana ka tacsiyeey Geeridiisa

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida madaxweynihii u horeeyay ee madaw ahaa ee dalka Koonfurta Afrika, Nelson Mandela, oo xalay ku geeriyooday magaaladda Johnsberg ee dalkaasi South Africa.

Madaxwayne Siilaanyo waxa uu Nelson Mandela ku tilmaamay in uu ahaa shaqsiyad aad u weyn oo qaaradda Afrika iyo dunidaba magac iyo maamuus ku lahaa, isla markaana uu xaliyey dhibaatadii midab-kala-soocu ku hayay dalkiisa Koonfur Afrika oo dunida oo dhan saamayn ku lahaa in uu isagu samir u yeeshay.

Waxa kale oo Madaxweyne Siilaanyo  sheegay  in Mandela uu door aad u wayn ka qaatay is-fahamkii dadka Caddaanka iyo Madawga ah ee ku wada nool dalka Koonfur Afrika iyo sidoo kale is-fahamka caalamka, taasina ay ahayd arrinta Nelson Mandela uu tusaalaha fiican ugu noqday.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

“Nelson Mandela wuxuu ahaa shaqsiyad aad iyo aad u weyn, oo qaaradda Afrika iyo dunida oo dhanba ku weyn, oo magac iyo maamuus weyn ku yeeshay ayuu ahaa, Koonfur Afrika waxa y ahayd meel dadka midab kala sooc aad u weyni ka jiray, taasi oo saamayn wayn ku lahayd afrika iyo caalamka oo dhan, dadkii samirka u yeeshay ee xaliyay ee dunidu ku maamuustay, oo uu magac ku yeeshay ee is fahamka dunida iyo si fahamka cadaanka iyo madawga u noqday tusaalaha ayuu ahaa. Markaa Mandela wuxuu ahaa qof lagu daydo, wuxuu ahaa nin xasuus wanaagsan in loo yeesho mudan ah ayuu ahaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta u warramay laanta Af-soomaaliga ee idaacada BBC-da, ayaa sidoo kale geerida Mandela ka tacsiyadeeyay qoyskiisii, eheladiisa, dalka iyo dadka Koonfur Afrika iyo caalamkaba. “Qoyskiisa iyo eheladiisiiba waan ka tacsiyadaynayaa, waxaanan leeyahay illaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo, dalkiisa iyo caalamkaba waxaan leenahay ninkaasi nin wayn oo caan ah oo magacaa wayn leh ayuu ahaa, markaa xaasaskiisii iyo dalkiisa iyo dunidaba waxaan leenahay nin qaali ah oo ka baxay ayuu ahaa, waxaanu ahaa nin aad iyo aad in loogu daydo mudan ayuu ahaa, oo xalilla dunida oo dhan meelaha arrimaha noocaasi oo kale ahi ka jiraan, markaa waa nin loo baahan yahya in tusaalihiisii oo kale lagu daydo, oo mar walba la xauusto, oo la soo qaato, oo lagu daydo u baahan ayuu ahaa” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sida aan horeba u idhi ama afrika ha noqoto ama meel kale oo dunida ahba ha noqoto ee tusaaleyaashiisii waa kuwa loo baahan yahay inbani’aamka oo dhami ku daydo, oo waa waxa uu maamuuska iyo magaca dunida oo dhan ugu yeeshay… markaa dunida oo dhan in lagu daydaa waa lagama maarmaan. in dadka la dhaqdo, oo dunida oo dhan la isku hayo, oo quruumaha kala duwan eek ala magaca ah, ee kala diinta ah, ee kala midabka ah, in isku si loo wada noolaado waa wax lagama maarmaan ah, markaa Nelson Mandela waa dadka waxyaabahaasi lagu xasuusanyo” .

Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyay in muddadii aadka u dheerayd ee uu siyaasada ku soo jiray in marna ay kulmeen Nelson Mandela ama xuno ka tirsan xisbigiisii ANC, waxa uu ku jawaabay “Maya ee Nelson Mandela shaqsiyan maanaan kulmin, laakiin berigii aanu dawladii Soomaaliya ku jirnay waa la kulmi jiray oo hay’adiisii iyo hay’ado Soomaali ah oo ku shuqul alahaa ayaa kulmi jiray, waanay noo iman jireen, dalkana way iman jireen oo waa lala kulmi jiray, dadkii wax na tari jiray ee wax nala qaban jiray ayay ahaayeen,” ayuu yidhi madaxwaynuhu.

Somalilandpost.net/Hargeysa