Madaxweynaha Somaliland oo isugu Yeedhay Hawl-wadeenada Xukuumaddiisa

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo, wuxuu maanta (03.12.2015) shir aan-caadi-ahayn la qaatay Wasiirrada, Wasiiru-Dawlayaasha, Wasiir ku xigeenada iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dalka.

Shirkan oo ahaa shir si ballaadhan loo soo agaasimay waxa goob-joog ahaa masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradaha Dalka badankooda, waxaana lagaga wada hadlay, afkaar iyo araahna la isu weydaarsaday sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha Qaranka iyo weliba sidii loo xoojin lahaa is-fahanka iyo hannaanka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha guud.

Madaxweynaha oo shirkaasi gudoominayey ayaa iftiimiyey muhiimadda iyo qiimaha ay Qarankeenna u leedahay in Hay’adda Fulinta oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee Hay’adaha Qarankeena, ay mar mar isugu yimaadaan is-waraysi iyo wada tashi lagaga wada hadlayo waxyaabaha Xukuumadda u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin, caqabadaha jira iyo sida wax looga qabanayo iyo weliba qorshaha iyo hiigsiga ay Wasaaraduhu leeyihiin mustaqbalka dhaw.

Shirkan oo aan caadi ahayn ujeedada ugu muhiimsan ee uu xambaarsanaa waxay ahayd xog-ogaal u noqoshada iyo dar-dar gelinta xilka iyo hawlaha ay ummaddu Xukuumada u igmatay. Sidoo kale waxa lagaga arrinsaday adkaynta xidhiidhka iyo wada shaqaynta Xukuumadda dhexdeeda, isku xidhka Xukuumadda iyo Xisbal Xaakimka, toosinta dhalliilaha iyo tabashooyinka dhabta ah ee jira, wixii talo iyo tusaale loo arko ee danta Qaranku ku aslaxayso, baahiyaha ummaddeenana lagu qabyo tirayo.

Shirkan oo saacado badan qaatay waxa hadal kooban, talo iyo tilmaanba ka soo jeediyay Wasiiro badan iyo Agaasimayaal Guudba, waxana lagu lafa-guray arrimo dhawra oo dalka iyo dadkaba wax tar u leh ayaa ku soo gebegaboobay guul iyo is-fahan wada shaqayneed.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey xog-warranka ay bixinayeen masuuliyiintii Hay’adda Fulintu, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran, duco iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey Wasiirrada, Wasiiru-Dawlayaasha, Wasiir ku xigeenada iyo Agaasimeyaasha Guud ee kulanka ka soo qayb galay wuxuu dhammaantoodba ugu baaqay inay si hufan u wada shaqeeyaan, isagoo ku booriyey inay xilka iyo waajibaadka ay ummadda u hayaan u gutaan sida ugu habboon.

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland