Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday:Â Â Â Â Â Â Â In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday:Â Â Â Â Â Â Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan
In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )
In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )
Magacaabida La-taliye Madaxweyne
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;
Markuu Ka Fiirsaday:Â Â Â Â Â Â Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland