Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi Miisaan leh u magacaabay Aaska Marxuum-Qaybe

Hargaysa (SLpost)-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah oo tiiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaana Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Ambaasadoor axmed maxamed aadan (Qaybe) Gudoomiyahii hore ee Golaha wakiilada Somaliland oo saaka ku geeriyooday Magaalada hargeysa.

Dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynaha oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Axmed saleebaan Dhuxul oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaaladda wararka ee Somaliland ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddi heer Qaran ah u saaray Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe.

qaybe

Gudida aaska ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
Wareegtada Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida aaska marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)
Mudanayaal.Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).
Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuumka.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Somalilandpost.net

Hargaysa