Madaxweynaha Somaliland oo Go’aan ka soo saaray Hantida Guud ee Qaranka

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta go’aan ka soo saaray cidda xaqa u leh inay go’aan ka gaadhi karto Hantida Guud ee Qaranka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha oo lagu soo koobay qodobadda uu madaxweynuhu u cuskaday go’aankiisa iyo amarka uu siinayo hay’adaha ku shaqo leh inay ka hawl-galaan shaqada ay xaqa u leyihiin ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo);

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:  Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:    Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, Magaalooyinka  Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001

Markuu Ka war helay:   In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan

Wuxuu soo saaray Go’aankan:-

Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo Dhulka Danta Guud waa hanti qaran, waxaana Awood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe.

Waxaana Reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo.

Go’aankan  waxa uu madaxweynuhu faray Hay’addaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel marintiisa.”