Madaxweynaha Somaliland oo furay Shirweyne Xal loogu Raadinayo Tahriibta iyo Shaqo la’aanta Dhalinyarada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay Shirweyne Qaran oo lagaga hadlayo Shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland kaas oo Muddo laba Cisho ah ka socon doona Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa isla markaana ay ku Lamaanayd Carwo ku saabsan Shaqo abuurka.

Shirkan oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradaha Arrimaha Bulshada iyo Qorshaynta Qaranka, waxa uu Madaxweynuhu uga mahadnaqay Labada Wasaaradood qaban qaabada Shirweynahan qaran, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado Shaqo oo ay kaga badbaadaan Tahriibta iyo Wixii la mid ah ee Nafahooda Khatar Gelinaya. “Dalkeena inaynu kala dagaalano dhalinyarada tahriibaysa ee badaha isku tuuraysa ee dal aan loo baahnayn qabanaysa iyadoo uu dalkoodu u baahan yahay waxaa waajib inagu ah dawlad ahaan inaynu wax u qabano oo fursadihii loo abuuri lahaa dhalin yarada si ay shaqo u helaan oo ay dad kooda wax ugu kordhiyaan iyaguna shaqo anfacda uga heli lahaayeen laga wada shaqayn lahaa, anaguna waxaanu balan qaadayna wixii xagayaga ah inaanu si buuxda u fulino oo aanu uga soo baxno,”ayuu yidi Madaxweynaha Somaliland.

XADHIG-KA-JARIDWasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa ka waramay Muhiimada uu Shirweynaha qaran ugu fadhiyo dhallinyarada Somaliland, isaga oo sheegay in Shirweynahan ay ka rajaynayaan inuu ka soo baxo fikrad wax lagaga qabto tahriibta isla markaana wax ka tarta Shaqo abuurka.

Dhanka kale, waxa u madaxweyne Siilaanyo maanta Xadhigga ka jaray Xafiiska Shaqodoonka Dhalinyarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku ay soo abaabushay kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka Gudeheeda halkaas oo madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalaha iyo ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba.

SOMALILANDPOST.NET