Madaxweynaha Somaliland oo Digreetooyin kala duwan xilka kaga qaaday Masuul Xukuumadda ka tirsan, Qaar kalena ku magacaabay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka ka qaaday agaasimihii Gudd ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Md Shariif Libaax Muuse, waxaanu beddelkiisa Madaxweynuhu u magacaabay Md Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf inuu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo Digreeto ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Md Cabdisamad Cumar Maal ka dib markii agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cumar Faahiye oo xilkaas loo magacaabay badhtamaha Bishii June ee sannadkan uu xilkaas uga cudur-daartay sababo Caafimaad awgeed.

Warsaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul oo xambaarsan labada digreeto ee madaxweynuhu xilalka ku magacaabay, masuulka kalena xilka kaga qaaday ayaa u dhignaa sidan:-

Xil ka-qaadis

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay no. JSL/M/XILQ/249-1331/092012, Xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Shariif Libaax Muuse.

Mudane,

Waxa aan aad kaaga mahad celinyaa mudadii aynu soo wada shaqaynaynay. Xilka Qaranka ayay dabcigiisu yahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.”

Magacaabis

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay  No. JSL/M/XERM/249-1329/092012 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan.

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso,

Markuu ku qancay:  Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

2. In Mudane, Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net