Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey Xeerarka Sirdoonka Qaranka iyo Mihnadleyaasha Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreetooyin uu maanta soo saaray, waxa uu ku dhaqan-geliyey Xeerarka Sirdoonka Qaranka iyo Xirfadlayaasha Caafimaadka oo Goleyaasha Sharci-dejintu Waxka beddel iyo Kaabis ku sameeyeen.

SiilaanyoDigreetooyinka Madaxweynuhu ku dhaqan-geliyey labada Xeer, ayaa lagu faafiyey Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kuwaas oo u dhignaa sidan:

Dhaqan-galka Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku  Dhaqan-geliyey  Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                        Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                        Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhaqan-gelinta Xeerka Sirdoonka

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku  Dhaqan-geliyey  Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                        Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                        Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:            Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Somalilandpost.net/Hargeysa

kaariye[at]somalilandpost.net