Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta oo Muddo laba Todobaad ahi ka Hadhsan tahay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa Qalinka ku duugay Dhaqan-gelka Xeer-nidaamiyaha Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta oo Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalku wax-kabeddel iyo Kaabis ku sameeyeen, ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu u gudbisay labada Aqal Baarlamaan.

SiilaanyoXeerkan oo ka kooban 23 Qodob oo jidaynaya nidaamka loo fulinayo iyo waajibaadka looga baahan yahay Shaqaalaha ka hawl-gala iyo Qofka Is-diiwaan-gelinaya, ayaa muddooyinkii u dambeeyey horyaallay madaxweynaha oo ah masuulka ugu dambeeyey ee dhaqan-galka Xeerarka dalku saxeexiisa ku xidhan yihiin.

Sida lagu sheegay Qoraal War-gelin ah oo lagu lifaaqay Xeerka Madaxweynuhu Dhaqan-geliyey, lagana soo saaray Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, waxa uu Xeer-nidaamiyahani ka kooban yahay 23 Qodob oo loo kala saaray laba Qaybood oo midda hore lagu faah-faahiyey qodobbo sharraxaya nidaamka Diiwaan-gelinta iyo Waajibaadka muwaadinka ah halka Qaybta labaad oo ka kooban yahay 8 Qodob ka hadlay waajibaadka shaqaalaha ka hawl-galaya iyo shuruudaha looga baahan yahay goobaha laga fulinayo Diiwaan-gelinta.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2560/062014 ku dhaqan-geliyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta,” sidaas waxa lagu sheegay Qoraalka lagu shaaciyey in madaxweynuhu dhaqangeliyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta.

Diiwaaangelinta Muwaadiniinta oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu hore u shaacisay inay ka qabsoomayso dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa la filayaa inay bilaabanto 20-ka Bishan, waxaana ka dambayn doonto isla markaana bisha sagaalaad ee sannadkan dalka laga qabanayaa Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada oo la filayo sannadka dambe badhtamihiisa inay dalka ka qabsoomaan, waxaana ka hadhsan oo kaliya hal Sanno.

 

HALKAN KA AKHRISO XEERKA OO DHAMMEYSTIRAN

SOMALILANDPOST.NET

Editor@somalilandpost.net