Madaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Hambalyo iyo Duco isugu jirta u diray Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray reysal-wasaaraha Cusub ee dalka Ethiopia, Dr Abiy Ahmed oo maanta loo dhaariyey Xilkaas.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, kaas oo isagoo dhammeystiran u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya afka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka shacbiga waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ra’isal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali oo maanta si rasmi ah u noqday ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, isla markaana hore loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee EPRDF.

muuse biixi dubaiMadaxweynuhu sidoo kale wuxu hambalyeynayaa dalka iyo shacbiga aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo uu inaga dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo salka ku haya deris wanaag, ganacsi iyo iskaashi nabadgalyo.

Waxa Hubaal ah in aynu wadaagno dalka Ethiopia taariikh ma guurto ah iyo saaxiibtinimo soo taxnayd wakhti dheer, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey ra’isal wasaaraha cusub siyaasi ka sii amba qaadi kara halka uu taagan yahay wakhtigan dalka Ethiopia, wuxuuna u rajeeyey  guul, horumar iyo inuu sii xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia.

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay ra’isal wasaarihii hore ee is casilay Hailemariam Desalegn, sidii fiicnayd ee uu u adkeeyey xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeeka.