Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Dhismeyaal loo Hirgelinayo Wasaaradda Boosaha iyo Maktabadda Qaranka (DHEGAYSO)

IMG_0065Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa maanta dhagax-dhigay Dhismaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maktabada Qaranka (National Library) taas oo Madaxweynuhu ugu deeqay dhulka loo qorsheeyay in laga Hirgaliyo.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo Madax kale, waxaa warbixin ka siiyay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Wasiirka Wasaaraddaasi Md Maxamed Jaamac Abgaal oo tilmaamay qiimaha ay Wasaaraddaasi ugu fadhido dalka, waxaanu Madaxweynaha uga Mahadceliyay dhagax-dhigidda Dhismaha loo hirgelinayo Wasaarada Boosaha iyo Is-gaadhsiinta oo ahayd wasaaradda ugu dhismaha liidata hay’adaha Dawladda ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md Maxamed Jaamac Abgaal oo ugu horreyn madaxweynaha ku soo dhaweeyey Wasaaradda, ayaa sheegay in dhismaha Wasaaradda markii u horreysay ay hirgelisay dawladdii Ingiriiska sannadkii 1947-kii, waxaanu sheegay in dhismaha cusub ee laga hirgelinayo xarunta Wasaaradda Boosaha ay noqon doonto mid la jaan-qaadda isla markaana lagula xisaabtamo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Is-gaadhsiinta dalka.

IMG_0058

DHAGAYSO

dhagax-dhigga Siilaanyo ee Maktabadda

SOMALILANDPOST.NET