Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey 574 Maxbuus iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu cafi u fidiyey maxaabiis tiradoodu ku dhow dahay 600 oo ku kala jira xabsiyada dalka.

Maxaabiista madaxweynuhu cafiska u fidiyey, ayaa maxaabiis ku xukuman dambiyo fudud, waxa uu madaxweynuhu digreetada uu ku cafiyey ku sheegay in cafiskani aanu wax saamayn ah ku lahayn “xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalan karta dembiyada ay ku xukunnaayeen”.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne: Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada madaxweynaha.

Cafiska madaxweynuhu u fidiyey maxaabiista ayaa qayb ka ah dedaallo xukuumaddu ku xakamaynayso fiditaanka Cudurka Covid-19 oo saamayn ku haya caalamka.

Somaliland, ayaa shalay xaqiijisay labadii qof ee ugu horreeyey dalka ee laga helo caabuqa CoronaVirus kuwaas oo laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Somalilandpost.net