Madaxweynaha Somaliland oo cadow Karaamada Qaranimada meel kaga dhacaya ku sifeeyey qofka u badheedha waxyeellaynta Ciidamada Qalab-sida

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Allaah ha u naxariistee dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-Case) oo shalay galabtii ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ka dib markii dhaawac ka soo gaadhay Toogasho uu kula kacay mid ka mid ah Askarta Saldhiggaas ee uu xukumayey, kaasoo gelinkii hore ee isla Salaasadii shalay uu Rasaas ku furay iyagoo ku sugnaa gudaha magaalada Gabiley.

siilaanyoMadaxweynuhu waxa uu Allaah uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan-na ka siiyo Qoyska, Ehelka, Asxaabta, Qaraabada, Ciidammada iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay cidda dhaawac ama dil gaadhsiinaysa Masuuliyiinta Ciidammada inay yihiin cadaw duullaan ku ah Sharafta, Karaamada iyo Haybadda Qarannimada ee ay huwan yihiin Ciidammadu.

Waxa uu madaxweynuhu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasoo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-Case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay Askari ka mida Ciidammadii uu xukumayey ee Saldhigga Arabsiyo, kaasoo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo,” ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka.

SOMALILANDPOST.NET