Madaxweynaha Somaliland oo beesha Caalamka u iftiimiyey sida aan Indhaha Looga Qarsan Karin Xaqiiqada ka Jirta Somaliland

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Beesha caalamka iyo Hay’adaha adduunka u soo jeediyey inaanay indhaha ka qarsan xaqiiqada Somaliland ka jirta, isla markaana ay kala shaqeeyaan hirgelinta horumarinta adeegyada Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa sheegay Xukuumaddiisu sii kordhinayso dedaallo soo taxnaa labaatan sano, isla markaana ku taagan yihiin yoolkii lagu gaadhi lahaa sannadka 2030 deggenaansho, dimoqraaddiyad iyo badhaadhe Bulshadiisu gaadho.

Madaxweyne Siilanyo oo shalay ka hadlay kulan-hawleed Beesha caalamka Ergooyin ka socday iyo Masuuliyiinta Somaliland ku naaqishayeen mashaariicaha horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxaanu sheegay inuu jiro yool fog oo la hiigsanayo sannadka 2030, si deggenaansho, dimoqraadiyad iyo badhaabdhe bulshadu gaadho.

Madaxweyne Siilanyo oo khudbad dheer ka jeediyey kulankaas, ayaa sheegay inaanay meel madhan wax ka bilaabayn wakhtigan, balse sii kobcinayaan dedaal soo socday labaatan sano, waxaanu yidhi; “Kama bilaabayno meel madhan, balse dhisme soo socday muddo labaatan sano oo lagu guulaysatay dhidbidda xasilloonida, nidaamka dimoqraaddiga iyo Hay’adaha kala duwan oo fududeeyey in mashaariicda sida ugu haboon loo fuliyo.”

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayey yoolka Somaliland hiigsanayso iyo inaan la iska indho-tiri karin baahiyaadka horumarka mustaqbalka, waxa uu yidhi; “Waxa jira yool fog oo aannu hiigsanayno sannadka 2030-ka, oo deggenaansho, dimoqraaddiyad iyo badhaabdhe bulshadu gaadho ah. Inkastoo, Somaliland tahay waddan ka soo kabanaya burbur gaadhay. Dhinaca kale, waxaannu ku hiigsannay hormar wakhti adag dhexdii, isla markaana baahiyaadka horumarka mustaqbalkayaga indhaha lagama qarsan karo.”

Madaxweyne Siilanyo, ayaa gebagebadii sheegay in dalka Somaliland ahaan doono saaxiib laysku halleeyo oo xilkas ah, isla markaana uu filayo in Somaliland noqon doonto tusaale lagu soo hirto. “Somaliland waxa ka go’an inay sii ahaato saaxiib la isku hallayn karo oo xil-kas ah, taageerada beesha caalamka iyo go’aankayaga inaan samayno dib-u-habayn dhinac walba ah, waxaan aamminsanahay inay Somaliland ka dhigi doonto tusaale lagu soo hirto. Waxaan qabaa in maalin dhammaanteen dib u milicsan doonno guulihii aynu wada-jirka u gaadhnay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Somalilandpost.net