Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Hargeysa Feb 08,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “”Siilaanyo” Weftigii  uu hogaaminayay ee socdaalka ugu maqnaa wadanka aynu deriska nahay ee Itoobiya ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaya

Madaxweynaha Siilaanyo ayaa sidoo kale soo maray dalka Jamhuuriyada Jabuuti safar aan hore loo shaacin  waxaana madaarka magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyey masuuliyiinta ugu sarraysa dalkaas oo uu hoggaaminayo Raysalwasaaraha Dalka Jabuuti Dilayta Maxamed Dilayta iyo xubno wasiirro ah, waxaana markii dambe madaxweynaha loo galbiyey dhinaca aqalka madaxtooyada Jabuuti halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isla markaana kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ay arrimo badan ka wada hadleen.

Masuuliyiinta labada jamhuuriyadood ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xidhiidhka labada dal waxaanay isla qaateen sii xoojinta iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo Shacbigooda walaalaha ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa dorraad safar gaaban ugu ambo-baxay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya halkaas oo uu  kula soo kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ay ka wada hadleen qodobbo khuseeya Amniga mandaqadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland

webmaster@somalilandpost.net