Madaxweynaha Somaliland may ahayn in uu ka qaybgalo Jaamacad gaar loo leeyahay qalin-jabinteeda, taasi waxay Haybadda ka qaadeysaa ka qaybgalkiisii…” -W/Q: C/casiis M. Yoonis

AnsaariShalay dad badan oo aan ku jiro ayaa la fajacay markii ay maqleen Madaxweynihii Somaliland oo ka qaybgalay Jaamacad gaar loo leeyahay oo aan ahayn; Jaamacadaha dawladda ee Hargeysa iyo Amuud.May dhicin Madaxweynayaashii:Cigaal iyo Riyaale in ay ka qaybgalaan Jaamacad nin qudhi leeyahay oo aan ahayn Jaamacadahaas dawliga ah.baratakoolku waxa uu ahaa markasta in uu ka qaybgalo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.inkastoo ay tahay in ardayda qalinjabineysa la dhiirigaliyo,haddana may ahayn munaasab in labadan Jaamacadood ee Qaranku leeyahay lala simo Jaamacadaha gaarka ah,ee nin qudhii ka faaiideysto.Jaamacadaha gaarka loo leeyahay waxay had iyo jeer isku dayaan in ay dadka ku soo jiitaan xayeysiis oo habeen iyo maalin waxay ku jiraan Dagaal cidiyo ku dagaalan ah,sidii ay ardayda u soo jiidan lahaayeen.laakiin labada Jaamacadood ee Hargeysa iyo Amuud waligood lama arag iyagoo warbaahinta iska xayeysiinaaya ama boodhadhka suuqa isku soo dhajinaaya…!!!! Waxa ay ardayda iyo Maamulka labadaas Jaamacadood xayeysiis iyo dhiirigalin ugu filnaa,ka soo qaybgalka Madaxweynaha Somaliland maalinta ay ardaydoodu Qalinjabineyso..intaas ayaa ahayd fursad qaaliya oo ardaydu sugi jirtay …..laakiin maanta waxa Madaxweynaha ku soo qulqulidoona kaadhka martiqaadka ee Jaamacadahan badan ee gaarka loo leeyahay, iyagoo ka dalbanaaya in uu xafladooda qalinjabinta kala soo qaybgalo.Arrintaas oo waji gabax ku abuureysa Ardayda dhigata Jaamacadaha Dawliga ah;ee Hargeysa iyo Amuud.

Haybadda Madaxweynaha waxa aad iyo aad ugu qurux badan arrimaha Qaranka ee waaweyn  in ay ka dhex muuqo,Markaas waxaan Madaxweynaha Somaliland,Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo), ka codsan lahaa in uu labadaas Jaamacadood ee Hargeysa iyo Amuud uu kala qaybgalo Qalinjabintooda,waayo labaadaas waa Astaanta Qaranka, ardayda dhigataana waa arday Mujaahidiin ah…!!! Waayo waxay ka badbaadeen xayeysiiska buunbuunintu ku jirto iyo beerlaxawsiga Jaamacadaha gaarka ahi, dadka ku wareeriyeen….waxa kaloo markasta inagu waajib ah in aynaan simin laba shay; (Qaran iyo Qof).culeyska waa in aynu saarnaa waxyaabaha Qaranimada Somaliland ku suntantahay,marka uu arko arday Jaamacadda Hargeysa ama Amuud dhigtaa, Madaxweynaha Somaliland oo Jaamacad gaar loo leeyahay jooga ma xiisan doono Jaamacadaha Dawliga ah ee waxa soo jiidan doona xayeysiis cidiyo ku dagaalanka ah, ee Jaamacadaha gaarka loo leeyahay….ugu dambeynta waxaan Madaxweyaha Somaliland ka codsan lahaa ama aan kula talin lahaa…kaadhadhka dambe ee martiqaaka ah ee Jaamacadaha gaarka ah, ee kugu soo socda ha ka jawaabin………!!!

 Waad mahadsantahay Madaxweyne.

 

Qore:C/casiis Maxamed Yoonis(Ansaari).

Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga/Aqoonyahan School for English.

Email:ansaari25@hotmail.com/Tel:063 4175733.

Hargeysa,Somaliland.