Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada London

London (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii hore ee maanta gaadhay magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ka dib markii uu Jimcihii ka ambabaxay Weftigu Caasimadda dalka ee Hargeysa.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa  si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Heathrow ee magaalada London, iyada oo soo dhawaynta ay qayb ka ahaayeen Xubno ka socday Jaaliyadda Somaliland ee London, Wakiilka Somaliland u fadhiya London iyo Masuuliyiin Laamaha dawladda ka tirsan oo ku sii sugnaa London, waxaanu Madaxweynuhu dadweynaha iyo Masuuliyiinta soo dhaweeyey isaga iyo Weftigiisa uga mahad-celiyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen.

WEFTInkasta oo aanu Madaxweyne Siilaanyo Warbaahinta wax war ah siinnin markii uu gaadhay London, haddana waxa Saxaafadda la hadlay Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo ka mid ah Xubnaha Weftiga Madaxweynaha, waxaanu sheegay in ujeeddada Safarkoodu tahay inay ka qaybgalaan Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo uu xusay inay wada-qabanayaan dawladaha Britain iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO