Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay London, kana hadlay rejada ay ka qaban shirka Soomaalida ee ay ka qayb-galayaan

Hargeysa, 19 February 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa shalay gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyay saraakiil ka socday xafiiska Raysal wasaaraha Britain iyo Wasaaradda khaarajiga dalkaasi, Wasiirul dawladaha arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Md. Maxamed Yoonis Cawaalle, Wakiilka Somaliland ee UK iyo xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalland ee wadanka UK.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markii uu ka soo degay madaarkaLondonsaxaafadda u waramayay ayaa si weyn ugu mahad celiyay jaaliyaddaSomalilandee soo dhawaysay.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay shirweynaha Ingiriisku ku qabanayo 23-ka bishan magaaladda London oo uu tilmaamay in isaga iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayaa ay ku casuuman yihiin kana filayaan in qadayadda Somaliland lagu dhegaysto shirkaas“Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadka I soo dhaweeyay ee reer Somaliland, waxaan socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha Somaliland Inshaalaahu,”Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira, horumarka aanu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa inaanu arrimahaasi ka hadalno.”

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Cali.

Waxa kale oo la filayaa magaaladda Addis Ababa ay ka soo ambo baxaan maanta weftigii kale ee uu hoggaaminayay Wasiirkaa Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada iyo masuuliyiinta saddexda Xisbi ee siyaasadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net