Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad oo ka hadlay Heshiiska Doorashooyinka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Shir ballaadhan oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaridka, ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad buuxa lagaga gaadhay khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadallada Saddexda Masuul