Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo Tacsi u diray Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka Baxay Marxuum Taariikh ku leh Dib-u-dhiskii iyo Nabadeynta Dalka oo maanta Geeriyooday

tacsiHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ehelladii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday ka tacsiiyeeyey Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh) oo maanta lagu aasay magaalada Burco.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu Marxuumka ku sifeeyey shakhsi tiir-dhexaad u ahaa Dhismihii dalka iyo Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somaliland.

Dhambaalka tacsiga ee madaxweynaha, ayaa u qoraan sidan: “

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Dhambaalka Tacsida ee Guddoomiyaha Kulmiye u diray ehelllada, qaraabada iyo Asxaabta Marxuumka, ayaa u qornaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo ka dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhi-jiidh) oo ku geeryooday magaalada Burco maanta. Ilaahay wuxuu uga baryayaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, qarabada iyo shacabkana uu samir iyo iiman haka siiyo.”

Somalilandpost.net