Madaxweynaha somaliland Oo Dalka dib Ugu soo laabtey

Hargaysa( SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa goor dhaweyd ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargaysa. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa saaka barqadii ka soo duulay xarunta dalka Itoobiya ee Magaaladda Addiis-ababa. Waxaana si weyn loogu soo dhaweyay garoonka iyo Magaaladda Hargaysa gudaheedaba.
image

Madaxweynaha Somaliland oo saxaafadda kula hadlaayay qolka VIP-da ee Madaarka, ayaa sheegay inuu isu soo maray waddamo dhawra, isagoo bilowga safarkiisu ka bilaabmay waddanka Turkiga, halkaas oo ay wada hadalo ku dhexmarayeen madaxda dalka Soomaaliya. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay inay ujeeda safarkoodu ahayd qadiyadda Ictiraaf raadinta Somaliland .
SomalilandPost
HARGEYSA