Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyay Daahfurka Sanduuq Dhaqaale Oo Loogu talagalay Horumarinta Dhalinyarada iyo Xaddiga Qaadhaankii u horreeyey oo Md Siilaanyo ku aftaxday

Hargeysa (SLPOST)- Madaxweynaha Somailand Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaraadda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland oo dhisme cusub  looga bineeyay halkii hore  ay ugu jiri jirtay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska xilligii Dawladdii Rayaale.

IMG_0274(1)

 

Madaxwynha ka hor waxaa halkaa ka hadlay Wasiiradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale,Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire,Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse,iyo Wasiirka loo martida ahaa Cali Siciid Raygal,masuul sare oo ka socda Hayada UNICEF,iyo Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo

Waxaa kaloo munaasibadda ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabbeeye  waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland sidan.

“Mudanayaal waxa maanta marag madoon ah in Xukuumada uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay qaaday dhabbihii wax qabadka taas oo maanta aad aragtaan in ay hoos joogno fooqan labada dabaq ah ee laga dhisay Miisaaniyadda Dawladda.”

 

 

IMG_0268

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha dalada dhalinyarada somaliland ee sonyo Mabaarig Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ay maanta utahay dhalinyarada reer somaliland maalin utaabo gashay xasuusna ubaahan in markasta la xuso dhalinyaradii naftooda u hurtay qaran nimada somaliland.

“Mudane madaxwayne waxaanu maanta kaaga mahad naqaynaa inaad maalinta taabo gala u noqotay dhalinyarada reer somaliland aad ku maamuusto xadhigana uga jarto wasaaradii dhalinyarada waana maalin tariikhda kuu gali doonta.

Guddoomiyaha dalada dhalinyarada somaliland ee sonyo ayaa waxa uu intaasi ku daray in maanta dhalinyarada reer somaliland ay sharaf wayn utahay inuu madaxwaynihii qaranku ku dhiirado xadhigana maanta ka jaro sanduuqii dhalinyarada reer somaliland

“Waxa maanta dhalinyarada reer somaliland sharaf u ah inaad madaxwayne ku dhiirato xadhigana ka jarto sanduuqa dhalinyarada reer somaliland oo ay kasoo shaqeyeen wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dalada heer qaran ee sonyo.

Wasiirka hawlaha guud gadiidka iyo guryanta somaliland mudane Cabdi Risaaq Khaliif Axmed oo isna munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha loo dhisay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahu uu ku biiri doonto hantida ma guurtada ah ee uu qaranka somaliland leeyahay.

“Mudane Madaxwayne wax noo sharaf ah inaad nagala soo qayb gasho xadhigana ka jarto dhismaha cusub ee loo dhisay Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland wasaaradan oo ku biiri doonta hanti qaranka somaliland leeyahay ee ma guurtada ah.

Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa sheegay intii uu xilka haye in ay wasaaradu ku talaabsatay horumar lataaban karo kuwaas oo carab dhabay goobkii gobolada dalka oo markii u horeysa ay kasoo qayb galeen 13gobol ee uu ka kooban yaha dalka jamuuriyada somaliland.

“maanta madaxwayne waxa inoo wada sharaf ah in dhalinyaradii somaliland meel lagu mauujiyey waxqabadkii xukuumaduna uu noqoday mid shacabka reer somaliland tusay dhabaha lagu gaadhi karo guul,mudane madaxwayne wasaarada ciyaaraha intaan xilka hayey waxa suuro galay in 13ka gobol ee ku kooban yahay dalka somaliland ay kasoo qayb galeen tartanka gobolada ee ka dhacay caasimada somaliland ee hargaysa,dhismaha iyo dayac tirka garoonada kubada lagu ciyaaro iyo kuwa foolida ah lagu sameeyey mudane madaxwayne waxay dhan yihii 15 garoon.

Gabo-gabadii waxa soo kunaanada munaasibada madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaas oo sheegay in dhalinyaradu tahay mustaq balka dalka,isla markaana dalka somaliland uu ku faanayo dhalinyaradiisa.

“Dhalinyarada iyo horu markeedu waa wax yaabaha asaaska u ah mustaq balka dal ku faano dal waliba waxa uu ku fanaa am hore ugu maraa waa dhalin yaradiisa waxaanu rajaynaynaa am aanu ilaahay ka baryaynaa inuu dalkeenu iyo dhalinyaradiisu ay hano qaado dalka iyo dadkaba anfacdo.

IMG_0289

Madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamuud siilaanyo ayaa sheegay inuu ah miyada ugu wayn siinayo wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland iyo barnaamijyada ay wado mustaqbalna uleh dhalinyarada reer somaliland waxaana uu sanduuqa horu marinya dhalinyarada reer somaliland ugu deeqa madaxwaynuhu “100-kun oo Dolar.

“sidaas daraadee ahmiyada wayn ayaanu siinaynaa barnaamijyada ay wado wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahu si ay dhalinyarada reer somaliland ay ugadhaan guul waxaana sanduuqa horumarinta dhalinyarada reer somaliland ugu deeqayaa 100kun oo dollar waxaanu jecel nahay ganacsatadan ugu baaqaynaa in  ay dhalinyarada reer somaliland garab galaan sanduuqaas horumarinta ugu deqaan ganacsatadu.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

cont-