Madaxweynaha Somalia oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalkaas ugu Magac-daray Marxuum Axmed Aadan Qeybe

xasan sheekh maxamuudMuqdisho (SLpost)- Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, dibloomaasiyiin iyo masuuliyiin kale  oo  lagu xusayey  Marxuum Danjire Axmed  Maxamed Aadan Qeybe, ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday  Taariikhdii Alle ha Naxariistee Marxuum  Axmed  Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Eebbe uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey  Umadda  Soomaaliyeed.   Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir  Allaah haka siiyo  ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed,”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Caawa waxaan u joognaa xuska  Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa  si aanu jirsiino mar-walba  waxaan caawa halkan ka soo jeedinayaa  maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay dibloomaasiyadda in  xarunta Wasaarada Arrimaha  Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka bilowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda  dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan  Qeybe yuu ahaa  ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa  u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yidh Madaxweyne Xasan Sheekh.

Marxuum Axmed Aadan Qeybe oo intii Somaliland madax-bannaanida kala soo noqotay Somaliya ku noolaa magaalada Hargeysa, ayaa ahaa Guddoomiyihii Baarlamankii Habka Beelaha ku Dhisnaa ee Somaliland, waxaanu todobaadkan ku geeriyooday Aas Qaran-na loogu magaalada Hargeysa, iyada oo Jinaasadda Marxuumka uu ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

SOMALILANDPOST.NET