Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal ku maray gobolka Hawd, taallona ka dhagax dhigay Balli-gubadle

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, (SLpost)-  Madaxweynaha JSL ayaa safar kedis ah ugu ambo baxay  magaalada Balli-gubdle ee gobolka Hawd oo ahayd xaruntii Ururkii Xaq u-dirirka ahaa ee SNM.

Safarka Madaxweynaha ee Balli-gubadle, waxa ku wehelinayey xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Wasiiradda Madaxtooyadda, Arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Mayorka Caasimada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Aadan Muxumed (Hoori), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo waliba xubno kale.

Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay taallo cusub oo loo talo galay in lagu xusuusto mujaahidiintii SNM ee halka u soo galay dalka iyo weliba xaruntii Ururka ee Balli-gubadle

Madaxweynaha oo hadal kooban kajeediyey goobtas lagu dhagax-dhigayey taaladda xuska Mujaahidiinta SNM, ayaa waxa uu sheegay in uu xarunta Magaaladda Baligubadle ay tahay magaalo lagu ku suntan taariikh halgameedka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu balan qaaday in uu fulin doono balanqaadyadii tiradda badnaa ee uu gobollkaasi ugu balan qaaday wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashadda madaxtooyadda.in

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu intaasi ku daray in xukuumaddiisa oo jirtay muddo kooabani ay dalka ka hirgelisay waxyaabo badan isla markaana waxa uu u soo jeediyay dadka deegaanka  in ay guntiga dhiisha iska dhigaan sidii ay dhinacooda wax uga qaban lahaayeen baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaankooda.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu guntiga dhiisha iskaga dhigayo sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.

Ka dib markii ay Booqashadda madaxweyneha Somaliland ku tagay Magaalo Madaxda Gobolka Hawd uu dhamaystay waxa uu u ambo baxay dhanka magaalada Sallaxley ee isla gobolka Hawd.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net