“Madaxweynaha rasmi ah ee uu dalkani yeeshay inuu yahay gudoomiyaha golaha wakiilada..”Xildhibaan Buubaa

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Ibraahim Mahadi Buubaa gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa sheegay in dalka uu madaxweyne ka yahay Cirro isaga oo ku sababeeyay inuu badbaadinaayo hantida qaranka, waxaanu eedayn u jeediyay xukuumada iyo shirkadaha doonaya inay la wareegaan haamaha shidaalka.

Waxa uu sidan ka yidhi fadhigii golaha wakiilada ee lagu dagaalamay markii dibada looga soo abxay isaga oo warbaahinta la hadlaayay “Madaxweynaha rasmi ah ee uu dalkani yeeshay inuu yahay gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, sababtu waxa weeye in isaga iyo xildhibaanadu ay badbaadinayaan haamihii shidalka ee qarankani lahaa, waxay xukuumada iyo shirkadaha la socda ee xaaraan quutayaasha ahiba weerareen golaha wakiilada, si ay boob ugu qaataan haamaha qaranka, arintaasi waa foolxumo gudoomiyaha golaha wakiiladuna waa uu ka dagaalamay oo waad arkayseen, gudoomiyahu isaga ayaa golaha fura oo xidha, hadaan shuruucda lagu dhaqmina waxba jiri maayaan, waxay muujinaysaa tani horena inay xukuumada Kulmiye ay shuruucda ugu tumatay, maantana inay cadaysatay inay gacanta isku galiso xeer dajintii dalka oo gudoomiye ku xigeenkiina ay ku tidhaahdo adiga oo aan faro saarin gudoomiyaha ma soo bixi kartid.”