Madaxweynaha oo Xadhigga ka jiray qaybo ka mid ah Jidka Dawga Cad oo la dhammaystiray iyo Wacdarihii soo-dhawaynta Shacabka

Hargeysa (Somalilandpst)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad qiimo badan oo xadhiga uu kaga jaray Wejigii koowaad ee Dhismaha Dawga-cad .

Madaxweynaha oo saaka ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa intii uu dhex maraayey jidadka waa weyn ee caasimada waxa si weyn ugu soo dhaweeyey shacbiga caasimada isaga oo madaxweynuhu sii watay socdaalkiisa waxa uu tuulooyinka iyo degmooyinka ku sii maray bulshada qaybeheeda kala duwan oo si diiran ugu soo dhaweeyey kolba halka weftigi soo gaadho, ugu danbayna waxa uu gaadhay dawga-cad korkiisa oo uu madaxweynuhu bilowga dhismaha wadada dawga-cad, xadhiga kaga jaray, ka dibna uu kormeer ku soo maray guud ahaan dhismaha wadada cad isaga oo madaxweynuhu halkay hada ku joogto ka soo laabtay, iyada oo halkaasina ka sii socondoonta.

DSC_0074Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday goobtii loo asteeyey xaflada furitaanka oo qado sharafna loogu sameeyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii ku wehelinaayey safarkiisa oo ahaa wefti aad u culus kana koobnaa madax-dhaqameed, xildhibaano,wasiiro, iyo marwada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ganacsato, culimo awgiinka dalka, waxgaradka iyo indheer-garadkaba.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo guryo noqday una soo caraabay caasimada Somaliland oo markii uu soo gaadhay ay bulshadu tubnayd jidadka hareerihiisa una sacabo tumayeen, madaxweynaha oo isna salaam gacan-haadis ah kaga gudoomay shacbigiisa sharafta iyo qadarinta mudan ee bacadka u tubnaa.

somalilandpost.net

hargeysa./Somaliland