Madaxweynaha oo TacsiĀ  u Diray Taliyihii Birmadka Saaxil oo Xalay Aas Qaran loo Sameeyey

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo) oo khamiistii askari ka tirsan Booliska Berbera dilay. Ā Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray waxaanu u dhignaa sidan:-

ā€œMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.Ā  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ALLE uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.ā€

Aas Qaran Oo Xalay Loo Sameeyey Meydka taliyihii ciidanka Birmadka Ā ee gobolka Saaxil

Alle ha u naxariistee waxaa xalay Ā qabuuraha magaalada Berbera aas qaran iyo sagootis loogu sameeyay taliyaha ciidanka Birmadka booliska ee gobolka Saaxil Marxuum Xidigle Aadan Guuleed Daahir oo ahaa oo uu dorraad askari Boolis Cabdirisaaq Maxamed Khayre toogasho ku dilay waxaanay shalay Maxkamadda ciidanka ee derejada koobaad ay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiiglaha oo ciidanku gacanta ku hayaan.

Aaska Marxuumka oo ay xalay ka qayb galeen Madaxda gobolka Saaxil oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha gobolka Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka degmada Cabdishakuur Maxamuud Ciddin iyo Masuuliyiinta laamaha dawladda ee kala duwan, taliyeyaasha ciidamada heer gobol iyo degmo ee Saaxil iyo Berbera.Culimo awdiinka magaalada iyo dadweyne aad u tiro badan oo kale.

Aaska marxuumka ayaa ka dambeeyay ka dib markii Marxuumka qoyskiisu ay ku qanceen in la aaso lagana war sugo xukunka Maxkamadda oo derejadii koobaad Shalay ku xukuntay gacan ku dhiiglihii dilka taliyaha geystay Xukun dil ah.

Waxaanay isku af-garteen masuuliyiinta gobolka iyo ehelada uu ka baxay taliyaha geeriyooday in ay ka wada war sugaan derejada labaad ee Maxkamadda iyo xukunka ka soo bixi doona.