Madaxweynaha Oo Tacsi u diray Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo xaaskiisii geeriyootay

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa Suldaanka guud ee Subeer-awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid xaaskiisi MARXUUMA JAMIILA CABDILAAHI CALI oo ku geeriyootay Dalka Ethiopia.

u_106884d_2013-8-3-11-43-42f_tacsi-siilaanyo-316x300

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Eheladii, Qoyskii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridaasi.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumada Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Suldaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.