Madaxweynaha Oo Shacbiga Ka Tacsiyeeyay Madaxii Xoghaymaha Xafiiska Madaxweynaha Oo Geeriyooday

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu dhambaal tacsi ah u diray guud ahana shacabiga Somaliland gaar ahaan qoyska uu ka baxay marxuum Maxamedd Warsame Xirsi (TITI) oo uu madaxweynuu ku sifeeyay hawlkar.

Waxaana dhamnbaalka tacsida ah ee ka soo baxay qasriga madaxtooyadu uu u dhignaa sidan

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Warsame Xirsi (TITI) oo ahaa Madaxii Xoghaymaha Xafiiska Madaxweynaha oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2016.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale tacsi u dirayaa guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacbiga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay waayo arag, ruug cadaaya oo qaranka Somaliland ka baxay, kuna sifaysnaa karti, dedaal iyo daacadnimo uu u hibeeyey shaqadiisa, kaalin muhiimana ku lahaa Madaxtooyada iyo Qarankaba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Shaqaalaha Madaxtooyada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.