Madaxweynaha oo Kulan La Yeeshay Ergayga Turkigu u soo Magacawday Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kulan la yeeshay ergayga ay dawladda Turkigu u soo magacawday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya danjire Ahmet R?za Demirer oo dalka ku yimid safarkiisii u horeeyay.Siilaanyo

Kulankaas habeen hore  oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa qoraal kooban oo ay barteeda twitterka ku baahisay ay qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ku sheegtay in lagaga wada hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliiya. “Safarkiisii u horeeyay ee uu Somaliland ku yimid ergayga gaarka ah ee Turkiga danjire, waxa qaabilay Madaxweyne Siilaanyo.” ayaa lagu yidhi qoraalka kooban oo intaas la raaciyay, “Xubno wasiiro ah ayaa iyaguna kulanka joogay. Inta badan waxa wada hadalka diirada lagu saaray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.”

Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ma bixin faahfaahin dheeraad ah. Hase yeeshee ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulanka oo u muuqday mid isbarasho ah sidoo kale lagu soo hadal qaaday sawiro maalmihii u dambeeyay banaanka u soo baxay kuwaas oo ay ka dhex muuqdeen qunsulka Hargeysa ee Turkiga oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Hargeysa, waxaana la sheegay in diblomaasiga Turkiga u jooga Hargeysa uu raaligelin ka bixiyay sawiradaas, isagoo sheegay inuu ahaa kulan is barasho ah oo uu 8 bilood ka hor la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxaanu kulanka ka sheegay inaanay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya kala xidhiidhayn cid aan ahayn dawladda Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin kulankaas oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyeen madaxweyne-xigeenka, guddoomiyaha KULMIYE iyo xubno wasiiro ah.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa- Somaliland