Madaxweynaha oo kulan la qaatay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, & Culimada Dalka iyo Nuxurka Dardaaran uu u jeediyey

Hargeysa(SLpost)-Kulanka muhiima oo madaxweynuhu maanta isugu yeedhay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo Culimada Dalka ayaa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, waxaanu kulankaasi ahaa mid dardaaran iyo baraarujin isugu jira oo uu madaxweynuhu kula dardaarmayey masuuliyiintaasi inay qayb ka noqdaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku kala calaf qaadaan asxaabta qaranka ee ku tartamaya doorashada ay inaga xigto maalmaha koobani, waxaanu madaxweynuhu khudbad ka jeediyey kulankaasi waxaanu yidhi “ Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo Culimada Dalka, dhammaan waxaan idiin soo gudbinayaa salaan xambaarsan hilow, niyad-sami, nabad-gelyo iyo naxariis Eebe,”ASSALAMU CALAYKUM WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATU”.

 

Duco-qabayaal,

 

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta idinku martiqaado Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Sida aad ka war-haysaan, muddo ka yar laba toddobaad, ayaa inaga xigta, qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Dalka.8

Ugu horreyn, waxa waajib inagu ah, in aynu Allaheena weyn u mahad-naqno. Mar labaad, waxaan jecelahay, in aan idiinka mahadceliyo, kaalinta weyn ee aad mar kasta kaga jirtaan guud ahaan horumarka, wada-jirka ummadda iyo adkaynta amniga qaranka. Sidoo kale, waxaan idinku bogaadinaya, waayeelkiinan ka kooban Madax-dhaqameed, Culimo, iyo Ganacsato, doorkii lama ilaawaanka ahaa, ee aad ka soo qaadateen taaba-gelintii Doorashooyinkii dalka ka tis-qaaday, sannadihii 2003-dii, 2005-tii, 2010-kii iyo 2012-kii.

 

Mudanayaal,

Ujeedada aan kulankan idiinku yeedhay, waxa uu daaran-yahay, in aan idinku guubaabiyo, in aad nagala shaqaysaan wacyi-gelinta iyo midnimada bulshada.  Xilligan Xaasaasiga ah, waxa loo baahan yahay, in aynu iska kaashanno,  yareynta xanafta iyo xiisadaha ka dhalan kara xafiiltanka siyaasadda. Waxa Odayaal ahaan, dhammaanteen inala gudboon, in aynu ka hor tagno, in ummadda la dhex-dhigo cunfi, ciil-qab iyo cadaawad siyaasadeed, taasoo u hor-seedi karta qo-qob iyo kala-qaybsanaan, raad xun ku reebta mustaqbalka noloshooda.

 

Ummad ahaan, waxa maanta ina saaran xil culus iyo masuuliyad wadareed. Waxa hubaal ah, in aynaan kaga gudbi karin xaaladdan nin toocsi, tafaraaruq iyo talo xumo. Qaran gob ahi, wuxuu kaga gudbaa duruufaha adag, ee la xidhiidha doorashooyinka, dulqaad, degenaansho, danta guud oo laga hor mariyo ta gaar ahaaneed, bisayl, iskaashi, midnimo iyo wada-jir. Duco-qabayaal, waa in aynu, dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah, muwaadiniinta Somaliland iyo Waayeelka hortayda fadhiya, in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.

 

Mudanayaal,

Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan leeyahay Xisbiyada Qaranka, dalkani wuxuu ku nabad iyo caano-maalay, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul. Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Caado La Gooyaa, Cadho Alle Ayey Leedahay”. Sidaa darteed, waxa waajib ku ah, Musharixiinta u tartamaysa hanashada hogaanka dalka, in ay dhawraan xurmada iyo xuquuqda ay leeyihiin, dadka ay codka ka doonayaan. Sidoo kale, waxaan ku adkaynayaa, in ay u hogaan-samaan go’aamada Guddida Doorashooyinka, Xeerarka, Shuruucda, iyo Nidaamka Doorashada u dejisan.”

HOOS KA DAAWO HADALLADII AY MADASHA KA YIDHAAHDEEN CULIMADA, GANACSATADA, MADAXDA DHAQANKA IYO MASUULIIN XUKUUMADDA KA TIRSAN