Madaxweynaha oo Kormeer ku maray Dekedda iyo Madaarka Berbera oo Mashaariic horumarineed ka socoto

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kormeer ballaadhan maray mashaariic horumarineed iyo ballaadhin lagu samaynayo adeegyada ay bulshada u hayso ay ka socoto.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta duleedka magaalada Berbera kaga qayb-galay xaflad markab dushii loogu sameeyey gunaanadka tabobar dawladda Ingiriisku u samaysay Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxa uu kormeer uu ugu kuur-galay heerka adeegyada ay bulshada u hayaan ku maray Dekedda iyo Madaarka magaalada Berbera.

DSC_0529Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Dekedda Berbera oo hawlo adeegyadeeda lagu ballaadhinayo ay socotay muddooyinkii u dambeeyey, waxaana madaxweynaha faahfaahin ka siiyey hawlaha horumarineed ee dekedda ka socda Maareeye Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo sheegay in ujeeddada ballaadhinta dekeddu qayb ka tahay tartan Dekedda Berbera ugu jirto Suuqa Geeska Afrika, si waddamada Jaarka ahi u adeegsadaan dekedda Berbera.

Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay maamulka dekedda Berbera dedaallada ay ugu jiraan horumarinta adeegyada ay bulshada u hayaan iyo kasbashada kalsoonida waddamada deriska iyo isticmaalkooda dekedda Berbera. “Waxa aan alle kaaga baryayaa inuu kula qabto oo uu inagu simo iyada oo markan marka xigta aynu xadhiga ka jari doono Insha Allah, tiiyoo aad ku guulaysatay dhamaystirkeeda,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo oo la hadlayey maamulka Dekedda Berbera.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u gudbay Madaarka Berbera isaga oo kormeer ku sameeyey qaybo cusub oo lagu kordhiyey madaarka oo dhismahoodu socdo iyo mashaariic kale oo laga fulinayo, waxaana halkaas madaxweynaha ku qaabilay wasiirkii Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madaxweynaha u sharraxay mashaariicda horumarineed ee wasaaraddiisu ka waddo madaarka Berbera.