Madaxweynaha oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo Hargeysa oo loogu sameeyey Marxuum Abwaan Saxardiid Maxamuud JABIYE

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo gelinkii dambe ee maanta Xabaalaha Baqiic ee Woqooyiga Hargeysa loogu sameeyey Allah Ha u naxariistee Marxuum Abwaan Saxardiid aw-Maxamuud Cilmi (Jabiye) oo maanta ku geeriyooday Hargeysa.

 

 

Allah ha u naxariistee Marxuum Abwaan Saxardiid aw-Maxamuud Jabiye ayaa ka mid ahaa ruug-caddaaga taariikhda mugga weyn ku leh Suugaanta Soomaalida iyo aasaaska Kooxihii u horreeyey ee fanka ah ee geyiga Soomaalida, gaar ahaan xarunta Fanka ee Hargeysa oo uu ka aasaasay kooxdii u horreysay ee fanka Soomaalida oo la odhan jiray Walaalaha Hargeysa.

 

Madaxweynaha Somaliland, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, siyaasiyiin, bahda Fanka iyo Suugaanta iyo kumanaan dadweyne ah, ayaa ka qayb-galay Aaska Marxuumka oo Allah haw naxariistee kaalin weyn ka soo qaatay Suugaantii xornimo-doonka ee sannadihii 1960-kii.

 

 

Madaxweynaha oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda iyo Aqoontii uu u lahaa Marxuumka, waxaanu Eebbe uga baryey Naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Fanka iyo dhammaan bulshada Somaliland.