Madaxweynaha oo ka hadlay Geerida Haldoor kamid ah Oday-dhaqameed AWDAL oo Boorama ku geeriyooday

Daawo:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadayl Halinta Diiwaangalinta, Abaaraha iyo Arimo kaleMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahan, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Cabdiraxmaan Ibraahim Waaberi (Cileeye) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 12 June 2017, Magaalo Madaxda gobolka Awlda ee Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaana gobolka Awdal, waxaanu ka mid ahaa dadka waayeelka ah ee ku suntan dib u dhiska dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha shacabka reer Somaliland, taariikhda dalkuna ay xusi-doonto.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahan, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.